"Tallaabooyinka Somalia, Malaha Awood-sharci Oo Lagu Xakameyn Karo Go'aamada Somaliland.." Wasaaradda A. Dibedda Somaliland
Hargeysa (THE AFRICA+ SOMALI) - Dawladda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadallo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in Somaliland ka mid tahay dalka Somalia.
War-saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa meesha lagaga saaray sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland isla-markaana dunida loogu soo bandhigay sharciyadda qadiyadda Somaliland ku taagan tahay.
War-saxaafadeedka oo bahda Africa Plus u rogeen Afka Soomaaliga, ayaa u qornaa sidan "Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay indhaha ku haysaa tallaabooyin taxane ah oo dhawaan ay qaadday Xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo lagu sheeganayo Somaliland ama lagu xaddidayo xidhiidhka dibedda ee Somaliland. Tallaabooyinkan malaha wax awood sharci ah oo lagu xakameyn karo go'aamada madax-bannaan ee Somaliland, waana isku-day aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu faragelinayo arrimo ka baxsan awoodda iyo xukunka Muqdisho. Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag ugu taagan tahay taariikhdeeda dawladnimo, sharciga caalamiga ah, iyo xuquuqda aan laga noqon karin ee dadkeedu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 Juun 1960, shan maalmood ka hor inta ayna Soomaaliya xornimada ka helin Talyaaniga. Heshiiskii siyaasadeed ee la sameeyay 1960-kii si sax ah looma ansixin iyada oo loo marayo Xeer Midnimo oo labada dhinacba isku raacsan yihiin oo sharci ahaan waajib ku ahaa, sidaas darteedna ma aanu baabi'in madaxbannaanidii asalka ahayd ee Somaliland. 18-kii May 1991-kii, Somaliland waxay dib u soo celisay ku dhaqanka awooddeeda madaxbannaanida xuduudaha caalamiga ah ee laga dhaxlay xorriyadda, iyadoo la raacayo mabda'a Afrika, Sidaa darteed mowqifka Somaliland waa mid ku saabsan dawladnimo soo celin, ee maaha go'itaan.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay xidhiidhkeeda dibadda ku fulisaa iyadoo adeegsanaysa awooddeeda madax-bannaanida, iyadoo hagaysa danaheeda qaran iyo ballanqaadkeeda iskaashi caalami ah oo wax dhisaya. Hawlaheeda diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale, iyo hab-raacyada istaraatiijiyadeed waxay ku salaysan yihiin ixtiraam iyo dano wadaag ah mana hoos yimaaddaan ogolaansho ka yimaadda Muqdisho. Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay hoosta ka xariiqaysaa in sheegashada awoodda ee Soomaaliya keliya tahay sheegasho, balse aanay awood u lahayn arrimaha dibadda ee Somaliland, mana dhimayso xuquuqdeeda ay ku raadsato iskaashi caalami ah oo madax-bannaan.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku adag tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed iyadoo horumarineysa iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinacba faa'iido u leh, kana qayb qaadaneysa nabadda gobolka, xasilloonida, iyo barwaaqada."