Soomaaliya Oo Qaadatay Go'aan Jidka U Xaadhaya Aqoonsiga Imaaraadka Ee Somaliland Muqdisho (THE AFRICA+ SOMALI) - Waxa sii xumaaday xidhiidhka Soomaaliya & dawladda Imaaraadka Carabta, ka dib markii Maamulka Xasan Sh. Maxamuud ogaaday in dawladda Imaaraadku ka shaqaynayso sidii Somaliland aqoonsi uga heli lahayd dawlado kale. Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka duulaya in dawladda Imaaraadku si buuxda u taageerayso isla-markaana uga shaqaynayso in dawlado kale sida Israel u aqoonsadaan Madax-banaanida JSL, ayaa Maanta ansixiyey in Soomaaliya laga saaro Safiirka Imaaraadka, taa beddelkeedana ay u yeedhato safiirkii u joogay Imaaraadka Magaalada Abu Dubia.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkan hadal uu jeediyey ku sheegay in Imaaraadku uu si cad uga shaqeeyay aqoonsiga dawladda Israel siisay Somaliland, isagoo sidoo kalena muujiyey in Imaaraadku uu xilligan ku mashquulsan yahay dedaalo diblumaasiyadeed oo uu ku dhiraandhirinayo in dawladaha ay Saaxiibka yihiin sida Hindiya iyo Itoobiya ay si buuxda u aqoonsadaan madax-banaanida Somaliland.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wer-werka la xidhiidha in Somaliland ay aqoonsi ka hesho dawlado kale waxa uu ku sii kordhay markii Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) toddobaadkii hore uu safar-shaqo ku tagay dalka Imaaraadka, halkaas oo sida la sheegay uu uga sii gudbayo dalka Australia oo uu kaga qayb-galayo shir ku saabsan ganacsi iyo Maalgeshi, kaasi oo shirkadaha caalamiga ah oo kuwa Israel ku jiraan ku doonayaan inay ku go'aamiyaan inay maalgelinta Somaliland oo ay ka jiraan fursado ku saabsan maalgeshiga Macdanaha dunida naadirka ku ah.Shirkan Caalamiga ah oo la rejaynayo in Madaxweynaha Somaliland ka jeediyo khudbad ku saabsan ahmiyadda ay dunida u leeyihiin macdanaha ku jira Somaliland iyo sida ay arrintaasi khasab uga dhigayso in Somaliland ka mid noqoto dawladaha Caalamka ee sharci ahaan loo aqoonsan yahay isla-markaana ay tahay in laga taageero sidii ay aqoonsi dhamaystiran u heli lahayd.
Si kastaba ha ahaatee, go'aanka Soomaaliya ku eryayso safiirka Imaaraadka u jooga Muqdisho, uguna yeedhayso safiirkeeda Abu Dubia, ayaa diblumaasiyiinta gobolku u arkaan il-duuf siyaasadeed oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku kacay isla-markaana ay caawinayso dedaallada diblumaasiyadeed ee Somaliland aqoonsiga kaga doonayso Imaaraadka Carabta iyo dawladaha saaxiibka la' ah.