Addis Ababa (The Africa+ Somali) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa ka qaybgalay munaasibadda qalin-jebinta saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo tababar iyo waxbarasho ku soo dhammaystay Kulliyadda Abaanduulka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Difaaca Itoobiya (Ethiopian Defence Command and Staff College).
Munaasibadda oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya 14-kii Nofeembar 2026, ayaa saraakiisha Somaliland ay waxbarashada kula qaadanayeen saraakiil ka socday Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa hambalyo u diray saraakiisha qalin-jebisay, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay korodhsadeen uga faa'iideeyaan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Qaranka Somaliland.
Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu uga mahadceliyey dowladda Itoobiya iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo tababarka ciidamada, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac.
The Africa+ Somali