FAALLO | Ali Shaami
Mansabka iyo madaxnimadu qofka waxay siin karaan awood, saamayn iyo go'aan-qaadasho. Balse ma beddeli karaan shakhsiyaddiisa, hab-dhaqankiisa iyo dabcigiisa qof ahaaneed. Xilku wuxuu muujin karaa qofka dhabta ah ee aad tahay, balse khasab ma aha inuu kaa dhigo qof ka duwan sidii hore.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Waano dhalanba ka weyn.” Waxaa ka mid ah dhacdooyinka bulshada la yaabka ku noqda marka masuul loo igmaday xil ummadeed uu weli ku dhaqmo hab-dhaqan aan u qalmin masuuliyadda loo dhiibay; sida dadka oo uu u kala abtiriyo, kala qaybiyo, una adeegsado awoodda xilka aargoosi uu kaga aar gudanayo tabashooyin iyo xurguf hore oo isaga iyo dad kale dhex martay.
Marka qof xil loo magacaabo, waxaa inta badan muuqda laba arrimood:
1. Qof xilka dhexdiisa la yimaadda aqoon iyo aragti.
Waa qof leh garaad, garasho iyo bisayl hoggaamineed; awood u leh inuu dadka mideeyo, kala duwanaanshahooda maareeyo, caddaaladdana ilaaliyo. Wuxuu ixtiraamaa xeerarka dhaqanka bulshada iyo shuruucda dalka, isaga oo xilka u arka masuuliyad guud oo aan ahayn hanti gaar ah.
2. Qof xilka dhexdiisa la yimaadda shakhsiyaddiisii hore.
Waa qof aanay masuuliyadda cusubi waxba ka beddelin dabcigiisa iyo habkii uu dadka ula dhaqmi jiray. Ma kobco garaad ahaan, mana korodhsado garasho iyo bisayl hoggaamineed. Wuxuu isku khaldaa waxa uu awood u leeyahay iyo waxa uu xaq u leeyahay, isaga oo hilmaama in labaduba aanay isku mid ahayn.
Farqiga u dhexeeya awoodda iyo xaqa waa mid weyn. Inaad wax samayn karto macnaheedu ma aha inaad xaq u leedahay inaad samayso.
Masuulka ku dhaqma hab-dhaqanka noocaas ahi wuxuu dhaawacaa kalsoonida lagu qabo isaga iyo hay'adda uu hoggaamiyo. Waxa uu abuuri karaa tabashooyin, kala fogaansho bulsho iyo xiisado saamayn ku yeesha xidhiidhka bulshada iyo dawladda. Mararka qaarkood, hab-dhaqanka noocaas ahi wuxuu horseedi karaa amni-darro iyo in masuulku noqdo sababta ay bulshadu isaga hor timaaddo hay'adihii ay ahayd inuu mideeyo.
Ugu dambayn, hab-dhaqanka masuulku wuxuu saamayn ku yeelan karaa muddada uu xilka hayo iyo sumcadda uu kaga tagayo bulshada. Halkii uu xilka kaga kasban lahaa magac wanaagsan iyo xusuus mudan, wuxuu xafiiska kaga tagi karaa godob, tabasho iyo colaad siyaasadeed oo aan ku dhammaanayn maalinta uu xilka banneeyo.
Bulshadu uma baahna masuul dadka u kala abtiriya, kala fogeeya ama kala qaybsha. Waxay u baahan tahay hoggaan dadka isu keena, isku haya, xaqooda ilaaliya, una horseeda wadajir iyo horumar.
Xilku ma waaro, mansabkuna ma waaro. Waxa keliya ee hadha waa raadadka uu qofku ka tago; samaan iyo xumaanba.
Madaxnimadu ma aha oo keliya inaad kursi ku fadhiisato, ee waa inaad u diyaarsan tahay masuuliyadda, dulqaadka, caddaaladda iyo bisaylka uu kursigu kaa rabo.
“Inaad madax noqoto wax ka horraysa in aad u diyaarsan tahay.”
«“Kob la taabto ama lays tusaad, tab u dawaysaayeSidee loo tadaawili karaa, taws caqliga haysa?”»
Habeen wanaagsan, jaalayaal, meel kasta oo aad joogtaan.
Aragti: Ali Shaami
FIIRO GAAR AH | THEAFRICA+ SOMALI
Aragtida iyo fikradaha ku xusan qoraalkan waxa ay gaar u yihiin qoraaga, mana aha in ay ka tarjumayaan aragtida, mowqifka ama siyaasadda tifaftirka ee Laanta Af-Soomaaliga ee warbaahinta TheAfrica+SOMALI