"Hindiya waa inaanay lumin fursadaha istaraatiijiyadeed ee Somaliland"
Dr. Savio Rodrigues
Dr. Savio Rodrigues oo ah aqoonyahan u dhashay Dalka Hindiya, ayaa ku boorriyey Hindiya inay xoojiso xidhiidhka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland, isaga oo sheegay in New Delhi ay haysato fursad istaraatiiji ah oo aanay habboonayn inay seegto.
Dr. Savio Rodrigues ayaa maqaal uu ka qoray xidhiidhka Hindiya iyo Somaliland ku sheegay in Hindiya ay tahay inay qaadato istaraatiijiyad ku dhisan iskaashi dhaqaale, horumarineed iyo mid diblomaasiyadeed, halkii ay Somaliland u arki lahayd goob ay kula tartanto Turkiga iyo Shiinaha.
Waxa uu xusay in Somaliland ay Hindiya u tahay fursad muhiim ah oo ay ku ballaadhin karto saamaynteeda istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika iyo gobolka Badweynta Hindiya, oo uu sheegay inay sii kordhayso muhiimaddiisa dhaqaale iyo amni.
Dr. Savio Rodrigues ayaa tilmaamay in shirkadaha Hindiya ay Somaliland kala shaqayn karaan dhinacyada maamulka dekedaha, tamarta, isgaadhsiinta, caafimaadka, dawooyinka, beeraha, tiknoolajiyadda iyo waxbarashada farsamada gacanta.
Waxa uu si gaar ah u carrabka ku adkeeyey iskaashiga caafimaadka, isaga oo sheegay in Hindiya ay noqon karto meel muhiim ah oo ay bukaannada Somaliland u aadaan daawaynta takhasuska leh, maadaama ay leedahay xarumo caafimaad oo horumarsan, kharashkooduna ka jaban yahay dalal badan.
Sidoo kale, waxa uu soo jeediyey in jaamacadaha iyo xarumaha farsamada ee Hindiya ay gacan ka geystaan tayaynta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Somaliland, halka iskaashiga tiknoolajiyaddu uu taageeri karo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta dhaqaalaha.

Aqoonsiga Somaliland
Qoraaga ayaa si cad u sheegay inuu shakhsi ahaan aaminsan yahay in Hindiya ay tahay inay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland, hase yeeshee waxa uu xusay in go'aankaasi u baahan yahay diyaar-garow diblomaasiyadeed iyo qiimayn qoto dheer oo lagu saleeyo sharciga caalamiga ah, taariikhda Somaliland, xasilloonida gobolka iyo danaha fog ee Hindiya.
Waxa uu ku dooday in aqoonsiga Somaliland aanu noqon falcelin degdeg ah oo ka dhalata tallaabooyinka dalalka kale, balse uu noqdo go'aan ka dhashay istaraatiijiyad qaran oo si wanaagsan looga baaraan-degay.
Loollanka saamaynta Geeska Afrika
Dr. Savio Rodrigues ayaa sheegay in Geeska Afrika aanu ahayn gobol ka durugsan siyaasadda caalamka, balse uu yahay meel ay iska galaan danaha Afrika, Bariga Dhexe, ganacsiga Badweynta Hindiya iyo quwadaha waaweyn.
Waxa uu tilmaamay in Turkigu sii xoojinayo saamayntiisa milatari iyo dhaqaale ee Soomaaliya, halka Shiinuhu adkaynayo mawqifkiisa diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo dadaallada Somaliland ee aqoonsi raadinta.
Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay raadinayso saaxiibbo caalami ah oo fahmaya himilooyinkeeda, isla markaana ka qayb qaadan kara horumarkeeda, isaga oo aaminsan in Hindiya ay fursad u haysato inay ka mid noqoto saaxiibbadaas.
Qoraaga ayaa sidoo kale sheegay in kulamadii uu Somaliland kula yeeshay ay ku qanciyeen inay jirto danayn dhab ah oo Somaliland u qabto dhismaha xidhiidh macno leh oo ay la yeelato Hindiya.

Waxa uu ugu baaqay New Delhi inay danayntaas kaga jawaabto tixgelin diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale oo la taaban karo, isaga oo xusay in mustaqbalka Geeska Afrika aan lagu go'aamin doonin oo keliya saldhigyada milatari iyo bayaannada siyaasadeed, balse sidoo kale lagu go'aamin doono cidda ka qayb qaadata horumarinta dhaqaalaha, dhismaha hay'adaha iyo nolosha bulshada.

Waxa qoray Saleebaan Saxansaxo