Cabdilaahi Shicib: “12 Sano ayaan ku hawlanaa sidii aan dhiig ugu heli lahaa bukaannada u baahan, Badbaado Blood-na waa tallaabo kale oo aan ku badbaadinayno nafaha dadka” Hargeysa ( laanta Af-Soomaaliga TheAfrica+ Somali) – Cabdilaahi Cabdi Muuse, oo loo yaqaan Shicib, waa mihnadle caafimaad oo bartay cilmiga shaybaadhka, lehna sagaal sannadood oo waayo-aragnimo shaqo ah. Waxa uu muddo 12 sannadood ah ku hawlanaa raadinta dhiigga bukaannada u baahan, isku xidhka dhiig-bixiyeyaasha iyo wacyigelinta bulshada ee muhiimadda ay leedahay in dhiigga la isku kaalmeeyo. Hawshan oo uu bilaabay sannadkii 2014-kii, isaga oo ku jira sannadkiisii ugu dambeeyey ee dugsiga sare, ayaa sannado badan ku salaysnayd xidhiidh toos ah iyo baahin uu ka samayn jiray baraha bulshada, gaar ahaan Facebook. Waayo-aragnimadaas dheer iyo baahida uu maalin kasta la kulmay ayaa ugu dambayn ku dhiirrigeliyey inuu hirgeliyo Application-ka Badbaado Blood Donation, oo hadda laga heli karo Google Play Store, kaas oo loogu talagalay inuu isku xidho bukaannada dhiigga u baahan iyo dadka diyaar u ah inay dhiig ku deeqaan. Laaanta TheAfrica+ Somali ayaa Cabdilaahi Shicib wax ka weydiisay safarkiisa, waayo-aragnimadiisa iyo himilada uu ka leeyahay mashruucan uu 12 sano ugu ku jiray raadinta dhiigga Laanta Af-Soomaaliga The Africa+ SOMALI ayaa waydiisay Goorma ayaad bilowday hawshan, maxaase kugu dhiirrigeliyey? Cabdilaahi Shicib: Waxaan hawshan bilaabay sannadkii 2014-kii, markaas oo aan ku jiray sannadkii ugu dambeeyey ee dugsiga sare. Waxa aan ahaa qof si dhow ula socday baahiyaha caafimaad ee bulshada, gaar ahaan bukaannada u baahan dhiigga. Markii aan arkay sida ay ugu adkayd dadka qaarkood inay helaan dhiig xilliga ay u baahan yihiin, waxaan go'aansaday inaan qayb ka noqdo sidii dadkaas loo caawin lahaa. Bilowgii waxaan adeegsan jiray baraha bulshada, gaar ahaan Facebook. Marka uu jiro qof dhiig u baahan, waxaan baahin jiray nooca dhiigga, cusbitaalka uu yaallo, magaalada uu joogo iyo lambarka lagala xidhiidhi karo qofka doonaya inuu dhiigga ku deeqo. Sidaas ayaan ku bilaabay, ilaa maantana hawshaas waan wadaa. Waxa hadda ii buuxa 12 sannadood oo xidhiidh ah oo aan ku jiray raadinta dhiigga iyo wacyigelinta bulshada. 405 bukaan ah ayaa aan dhiig u raadiyey sannadkii 2024 Laanta Af-Soomaaliga The Africa+ SOMALI ayaa mar kale waydiisay: Muddo intaas le'eg oo aad hawshan ku jirtay, ma xasuusataa baaxadda dadka aad caawisay? Cabdilaahi Shicib: Haa, sannad kasta waxa jira dad badan oo ila soo xidhiidha, kuwaas oo u baahan dhiig noocyo kala duwan leh. Tusaale ahaan, sannadkii 2024-kii waxaan dhiig u raadiyey 405 bukaan. Dadkaasi waxay ku kala sugnaayeen Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo xataa dalal ka tirsan qaaradda Aasiya, sida Bangladesh. Waxa aan dadkaas u raadinaynay dhammaan noocyada dhiigga ee kala ah A+, A-, B+, B-, O+, O- iyo AB+ iyo AB-. Mararka qaarkood qof ayaa habeenkii kula soo xidhiidhaya isaga oo xaalad degdeg ah ku jira, waxaanad bilaabaysaa inaad dadka kala duwan la xidhiidho, farriimo baahiso, jawaabahana sugto. Xilliyada qaarkood way fududahay in dhiig la helo, laakiin mararka qaarkood aad bay u adag tahay. Waxa ugu muhiimsan ee aan mar walba maskaxda ku hayaa waa in qofkaasi yahay bukaan u baahan caawimo, waqtiguna aanu sugin. Dhiigga loo baahdo xilliyada dagaallada iyo xaaladaha degdegga ah
Laanta Af-Soomaaliga The Africa+ SOMALI ayaa mar kale hordhigtay su'aal; Waxa kale oo aad ka qayb qaadatay raadinta dhiigga xilliyadii ay dhaceen dagaallo iyo isku dhacyo. Sidee ayay waayo-aragnimadaasi ahayd? Cabdilaahi Shicib: Xilliyada dagaallada iyo isku dhacyadu waxa aad u kordha baahida dhiigga, waxaana mararka qaarkood loo baahan yahay xaddi badan oo dhiig ah iyo dhammaan noocyadiisa. Waxaan si gaar ah u xasuustaa xilliyadii ay dhaceen dagaalladii gobolka Sool, isku dhacyadii gobolka Awdal iyo dhacdooyinkii Dacawaley. Waxa jiray dhaawacyo badan oo u baahday dhiig. Hawlwadeennada caafimaadka ee la tacaalayey dhaawacyadaas ayaa marar badan ila soo xidhiidhi jiray, iyaga oo iga codsanayey inaan ka caawiyo sidii loo heli lahaa dhiigga loo baahan yahay. Xaaladaha noocaas ah waxaad dareemaysaa culays weyn, sababtoo ah waxa jira dad dhaawac ah oo sugaya dhiig, waxaana muhiim ah in si dhakhso ah loo helo dadka ku deeqi kara. Waxa aan isku dayi jiray inaan gaadhsiiyo baahidaas bulshada, si qof kasta oo awood u leh inuu dhiig bixiyo uu uga qayb qaato badbaadinta dadka dhaawaca ah. Xidhiidhka dhakhaatiirta iyo cusbitaallada The Africa+ Somali ayaa waydiisay: Sidee buu xidhiidhkaagu uga dhigan yahay cusbitaallada iyo dhakhaatiirta Somaliland? Cabdilaahi Shicib: Alxamdulillaah, waxaan xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhakhaatiir badan iyo cusbitaallada Somaliland. Muddo dheer oo aan hawshan ku jiray awgeed, waxa jira dhakhaatiir iyo hawlwadeeno caafimaad oo si toos ah ila soo xidhiidha marka ay u baahdaan dhiig. Mararka qaarkood cusbitaalka ayaa ila soo xidhiidha, mararka kalena qoyska bukaanka ayaa ila soo xidhiidha. Waxaan isku dayaa inaan fahmo baahida jirta, nooca dhiigga loo baahan yahay iyo goobta bukaanku yaallo, dabadeedna aan raadiyo dadka ku deeqi kara. Maxaa kugu dhaliyey samaynta Badbaado Blood? The Africa+ SOMALI: 12 sannadood oo aad Facebook iyo baraha bulshada ku raadinaysay dhiigga ka dib, maxaa kugu dhaliyey inaad samayso Application-ka Badbaado Blood? Cabdilaahi Shicib: Waxa igu dhaliyey baahida weyn ee aan muddadaas arkayey. Waxaan ogaaday in bulshada ay jiraan dad badan oo diyaar u ah inay dhiig ku deeqaan, laakiin aanay jirin mar walba hab fudud oo lagu heli karo qofka dhiiggiisu la mid yahay bukaanka, isla markaana ku dhow goobta uu yaallo. Dhanka kale, waxaan arkay in raadinta dhiigga ee baraha bulshada ay leedahay caqabado badan. Mararka qaarkood farriinta qofka dhiigga u baahan ma gaadho dadka ku habboon, mararka kalena wakhti badan ayaa ku baxa raadinta iyo isku xidhka dadka. Waxa kale oo aan dareemay baahida loo qabo nidaam isku xidhan oo xogta dhiig-bixiyeyaasha iyo xarumaha caafimaadka lagu heli karo. Waxaan sidoo kale arkay baahida loo qabo kayd dhiig oo heer qaran ah oo Somaliland yeelato, si dhiigga iyo baahiyihiisa loo maareeyo si nidaamsan. Markaas ayaan go'aansaday inaan waayo-aragnimadii aan urursaday u beddelo xal tiknoolajiyadeed oo bulshada anfaca. Sidaas ayuu ku dhashay fikradda Badbaado Blood. Sidee ayuu u shaqaynayaa Badbaado Blood? TheAfrica+ Somali: Dadka aan weli aqoon Application-ka, sidee ayaad ugu sharxi lahayd habka uu u shaqeeyo? Cabdilaahi Shicib: Badbaado Blood waa mobile application isku xidha bukaannada dhiigga u baahan iyo dadka dhiigga ku deeqaya. Waxa ku jira dhammaan noocyada dhiigga, waxaana sidoo kale lagu soo daray xogta cusbitaallo ku yaalla Somaliland oo leh kaydad dhiig (Blood Banks). Marka qof dhiig u baahan yahay, codsi ayaa laga samayn karaa Application-ka. Codsigaas waxa uu imanayaa maamulka Badbaado Blood, halkaas oo dib loogu eegayo laguna xaqiijinayo ka hor inta aan la sii dayn. Marka maamulka aqbalo codsiga, farriin ayaa WhatsApp ugu dhacaysa dadka leh nooca dhiigga ee loo baahan yahay, gaar ahaan kuwa ku dhow magaalada ama goobta uu bukaanku yaallo. Tusaale ahaan, haddii bukaan ku sugan Hargeysa uu u baahan yahay dhiigga O+, codsigaasi waxa uu gaadhayaa dadka leh dhiigga O+ ee ku dhow goobtaas, si ay ula xidhiidhaan una caawiyaan bukaanka. Waxa kale oo maamulka Application-ku la soconayaa halka uu marayo codsiga, jawaabaha dadka dhiigga ku deeqaya iyo in bukaanku ugu dambayn helay dhiiggii uu u baahnaa. Waxa aanu doonaynaa in aanu ka gudubno oo keliya baahinta codsiga, una gudubno la socodka iyo xaqiijinta in caawimadii loo baahnaa dhab ahaan la gaadhsiiyey bukaanka. Maxaa ka dhigaya Badbaado Blood mid ka duwan habkii hore? TheAfrica+ SOMALI: Maxay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu Application-ku kaga duwan yahay raadintii dhiigga ee hore loogu samayn jiray baraha bulshada? Cabdilaahi Shicib: Farqiga ugu weyn waa nidaamka iyo isku xidhka. Hore qofku waxa uu baahida dhiigga ku baahin jiray Facebook, dabadeedna waxa uu sugayey in qof ku habboon arko farriinta oo la soo xidhiidho. Habkaasi wax badan ayuu bulshada u qabtay, laakiin waxa uu lahaa caqabado. Badbaado Blood waxa uu arrintaas u beddelayaa nidaam dijitaal ah oo leh xogta noocyada dhiigga, codsiyada bukaannada, xidhiidhka WhatsApp iyo la socodka codsiga. Waxa kale oo aanu doonaynaa in qofka dhiigga u baahan aanu wakhti badan ku lumin raadinta dadka, isla markaana dadka dhiigga ku deeqaya ay si fudud ku ogaadaan meelaha looga baahan yahay dhiiggooda. Himilada mustaqbalka TheAfrica+ Somali: Maxaad ka damacsan tahay horumarinta Badbaado Blood sannadaha soo socda? Cabdilaahi Shicib: Himiladayadu kuma koobna oo keliya in Application-ku ka shaqeeyo Somaliland. Waxaan doonaynaa in aanu ku soo darno liiska dhammaan cusbitaallada Somaliland ee leh kaydadka dhiigga, si qofka dhiigga u baahan uu u helo xogta xarumaha caafimaadka ee uu ka heli karo adeeggaas. Waxa kale oo aanu hiigsanaynaa in aanu mustaqbalka ku fidinno dalalka jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaan rabnaa in Badbaado Blood noqdo madal ay ku wada xidhiidhaan bukaannada, dhiig-bixiyeyaasha iyo cusbitaalladu, isla markaana fududaysa helitaanka dhiigga marka loo baahdo. Application-ku hadda waxa uu yaallaa Google Play Store, waxaanan rajaynaynaa in dhawaan laga helo App Store-ka Apple, haddii Alle idmo. Farriintaada bulshada TheAfrica+ Somali: Ugu dambayn, maxaad farriin u diraysaa bulshada, gaar ahaan dadka awoodda u leh inay dhiig ku deeqaan? Cabdilaahi Shicib: Waxaan bulshada ku boorrinayaa inay dhiig-bixinta u arkaan hawl muhiim ah oo qof kasta oo awood u leh uu ka qayb qaadan karo. Mararka qaarkood waxa laga yaabaa in aynaan garanayn qofka dhiigga u baahan, laakiin meel kasta waxa jooga bukaan u baahan dhiig si noloshiisa loo badbaadiyo. Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhallinyarada iyo bulshada inteeda kale inay ku baraarugaan muhiimadda dhiig-bixinta, isla markaana aanay sugin oo keliya xilliyada ay dhacaan dagaallada ama xaaladaha degdegga ahi. Dhiigga waxa loo baahan yahay maalin kasta, ma aha oo keliya xilliyada dhibaatooyinka waaweyni dhacaan. Aniga ahaan, 12-kii sannadood ee aan hawshan ku jiray waxa aan ka bartay in mararka qaarkood hal qof oo dhiig bixiya uu sabab u noqon karo badbaadinta nolol bini'aadam. Taasi waa sababta aan u aasaasay Badbaado Blood. Waxaan doonayaa in waayo-aragnimadii aan muddada dheer urursaday ay isu beddesho nidaam bulshada oo dhan anfaca. Badbaado Blood ma aha oo keliya Application; waa isku day lagu doonayo in qofka dhiigga u baahan aanu kaligii ku noqon raadintiisa.